Tarbiyadda Caruurta
Markii aan ka hadalno tarbiyada caruuta waxaa laga yaabaa in eey kugu soo dhacdo in ilmaha inta uu yaryahay masjidka lageeyo iyo in waxkasta oo xumaan ah oo uu sameeyo lagala dagaalamo.
Waa run in caruurta lagu tarbiyeeyo goobaha cibaadada si eey ugu bar baaraan oo waxaa jirta oraah ah " qofka waxii uu ku barbaaro ayuu ku duqoobaa" waana sax in wixii xun laga reebo lakin waxaan qormadaan kugula wadaagayaa hal arin oo hadii aan somali nahay aanan ku baraarug saneyn isla markaana sabab u ah in caruurtu noqoto kuwo madax adag ama kaleexda wadada saxda ah.
Goormee caruurta salaadda la faraa ama lagula dagaalamaa in eey oogaan ?
Waxaan ku soo gaba gabeenayaa waxaa jirta qormo ama qoraal lagu qoro daawo kasta dusheeda waana " ka fogeey meelaha eey caruurta gaarto " macnaheedu waa caruurta malahan caqli eey sunta iyo dabka isaga ilaaliyaan marka adiga ilaali oo garab u noqo cunugaaga inta uu isku filnaasho caqliyeed ka gaarayo.