Waxaad go'aan san kartaa in aad Bilowdo wadadii aad uga Dhabeyn laheyd riyadaada iyo Himiladaada Lakin Dhibaatada Qof kasta Qabsata Ayaa Ah sidii lagu kori lahaa jaran jarada ugu horeysa Ee ka dhabeynta Riyooyinka waxaana laga yaabaa in aad la kulanto dhibaatooyin fara badan inta aad ku guda jirto ka dhabeynta riyadaada.
Waxaan halkaan kuugu soo gudbin doonaa wadooyinka loo maro ka dhabeynta himilada iyo waxyaabaha aad ka fogaaneysid.
Wadooyinka loo maro ka dhabeynta Hadafka
Waxaa jira dhowr arimood oo eey muhiim tahay in aad sameyso si aad uga dhabeyso ka dhabeynta riyadaada waxaana kamida
- in aad sawirato waxa aad jeceshahay in aad xaqiiso: waayo hadiiba aadan adiga suureysan karin sidee dadka kale uga dhaa dhicin kartaa fikirkaaga markii uu soo gaaro marxalada soo ban dhigidda.
- in aadan qofna la wadaagin inta aad mashruucaaga waddo: hadii fikrad kugu soo dhacso oo aad isla markii hore kala wadaagto qofkasta waxaa la hubaa in aadan hore u soconeyn oo fikradaada meelna gaareyn , taas caksigeed waa in aad la wadaagtaa asxaabta kuu dhow iyo family-ga si aad markii aad niyad jabto u soo xasuusato asxaabta kuugu dhow iyo reerka oo aad muraal iyo dhiira gelin ka hesho waayo waxeey kaa sugayaan hor mar halka hadii aad la wadaagi laheyd dadka dhan laga yaabo in uu ku dhex jiro xaasid ama qof il kulul oo kaa kala tuura mashruuca.
- in aad shaqa adag qabato oo aadan ka daalin rumeynta riyadaada : maxaa yeelay dadka guuleysata waxaa lagu yaqaan in eey si adag u shaqeeyaan awoodoodana geliyaan rumeynta waxa eey rabaan
- in aad ku kalsoonaato waxa aad sameyneysid : hadii aadan ku kal sooneyn waxa aad qabaneysid ama aadan niyad u heyn waxaa suurta gal ah adigoo leh awoodihii lagu rumeyn lahaa riyadaas in aad ka harto waayo waxa uusan qalbiga ogoleyn lagama yaabo in uu jirka qabto.
Waxyaabaha aad ka fogaaneysid
Waa in aad ka fogaataa 3daxda qodob ee hoos ku xusan
- in aadan sugin inta aad ka heleysid qibrad: qibradda waxey timaadaa marka sheyga faraha lala galo lakin inta aad banaanka ka joogtid waxaa la hubaa in eeysan suurka gal aheyn in aad qibrad kugu filan hesho, taas macnaheeda maahan in adigoon wax baarin aad iska bilowdo waxa kaa dhex guuxaya.
- in aadan sugin xili eey ku haboon tahay: badanaa waxaa laga yaabaa in aad is leedahay xili hebal ayeey ku haboon tahay lakin ogoow ma jiro xili cayiman oo loogu tala galay in xaqiijiyo himilo, waqti kasta waad awooddaa in aad xaqiijiso riyadaada
- in aadan qofna ka sugin in uu kugu raaco aragtidaada: dadku wey kala aragti duwan yihiin aragtiyadana isku mid ma noqdaan , hadii qof ku yiraa sidaan ma ahan adigana aad horay usoo go aan satahay ugana soo fakartay fadlan ha cabsan allah tala saaro horayna usoco waayo dadka waa kala fikir waxaana laga yaabaa kaaga in uu saxan yahay.
By mohamed Hassan Jimale
